Pages
▼
Pages
▼
Friday, February 28, 2020
Thursday, February 27, 2020
Wednesday, February 19, 2020
Sideed qof oo lagu toogtay dalka Jarmalka
Sideed qof ayaa lagu dilay baar ku yaala Magaalada Hanau ee dalka Jarmalka kadib toogasho ka dhacday halkaas.
Booliska dalka Jarmalka ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan shan qof ay sidoo kale dhaawacmeen, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ooda uga qaadeen dadkii fadhiyay baarka.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii geystay weerarka oo markii uu falka dhacay ka baxsaday goobta.
Warbaahinta maxaliga ee dalka Jarmalka ayaa kusoo warrantay in weerarka koowaad uu ka dhacay baar ku yaala bartamaha Magaalada, halka kan labaadna uu ka dhacay xaafadda Kesselstadt ee isla Magaalada Hanau.
Warbaahinta Hessenschau ayaa sheegtay in dableyda weerarka fulisay oo aan heybtooda la aqoonin ay markii koowaad saddex qof ku dileen baar shiishadda lagu cabo oo ku yaala bartamaha Magaalada, kahor inta aanay usoo dhaqaaqin goob kale oo lagu qaxweeyo, halkaas oo ay sidoo kale ku dileen shan qof oo kale.
Goobta ay weerarada ka dhaceen ayaa waxaa haatan ku sugan booliska, waxaan gaafwareegaya diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee helikobtarada.
Baabur madow ayaa la arkay isagoo kasii dhaqaaqaya halka ay weerarada ka dhaceen, ilaa iyo haddana lama garanayo ujeedada ka dambeysay weerarka.
Magaalada Hanau oo katirsan gobolka Hessen ayaa 25 kilomitir waxay dhanka bariga kaga beegan tahay Magaalada Frankfurt.
Weerarkan ayaa yimid afar maalin un kadib markii weerar kaa lamid ah uu ka dhacay Magaalada caasimadda ee Berlin, halkaas oo lagu dilay hal qof.
Monday, February 03, 2020
YouTube Channel JAMHUURI CHANNEL
Asc Dhamaan Sxbta Ku Xiran Website, YOUTUBE, Facebook, TWITTER, Instagram,
Waxaa Lagu soo kordhiyay Application Kaa Caa Winaayo Dhamaan Waxa Ka Cusub Warbaahinta JAMHUURI CHANNEL Fadlan La soodag App-kaan
Waxa Oo kaa Caawin doona Waxaa Ka mid ah Fiirsashada YouTube-ka Facebook Page
- Tw
Saturday, February 01, 2020
Wararka Ugu Danbeeyay
Wararka Ugu Danbeeyay
& BBC NEWS SOMALIA
Halkaan Ka aqriso Oo na Ka daawo Barnaamijkaan
Qofkii ugu horreeyay oo coronavirus ugu dhintay meel ka baxsan Shiinaha
News Somali Navigation
Qaybaha
Qofkii ugu horreeyay oo coronavirus ugu dhintay meel ka baxsan Shiinaha
- Booqo Website kan
- wadaag qodobkan Facebook
- wadaag qodobkan WhatsApp
- wadaag qodobkan Messenger
- La wadaag
Nin ayaa waxa uu caabuqa coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Philippines, kiiskaas oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyo ee ka dhaca meel ka baxsan waddanka Shiinaha.
Bukaanka oo 44 jir Shiinees ah ahaa ayaa waxa uu ka tagay magaalada Wuhan, ee gobolka Hubei, ee caabuqan uu ka soo bilowday.
Waxa uu u muuqanayay inuu caabuqu haleelay ka hor inta uusan gaarin Philippines, sida ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
In ka badan 300 oo qof ayaa caabuqaasi u dhimatay tan iyo markii uu dilaacay, kuwaas oo intooda badan ku nool gobolka Hubei, halka in ka badan 14,000 qof uu haatan caabuqu haleelay.
- Coronavirus: “Aniga iyo gabadheyda waan bixi karnaa, balse xaaskeyga waa inay harto”
- Wararka runta ah iyo kuwa beenta ah ee ku saabsan caabuqa Corona
- Isbitaalkii lixda maalmood lagu dhisay ee Shiinaha oo maanta la furayo
Mareykanka, Australia iyo dalal kale oo badan ayaa waxa ay dalkooda ka hor istaageen inay galaan ajaanibta ka imanaysa Shiinaha, sidoo kale waxa ay karantiileen muwaadiniintooda markii ay dalkaas ka soo laabtaan.
Dhanka kale xukuumadda Beijing ayaa mar kale kordhisay fasaxa sanadka cusub ee Shiinaha si ay uga hortagto in dadka shaqooyinka ku laabanaya ay faafiyaan cudurkaan halista ah ee neef mareenka ku dhaca.
Maraykanka iyo Australia ayaa sheegay inay dalalkooda u diiddi doonaan dhammaan ajaanibta dhawaan booqday Shiinaha halkaasi oo bishii December uu ka soo shaac baxay xanuunka Corona.
Waxaa ka sii horreeyay oo go'aan noocaas ah qaatay dalalka Ruushka, Japan, Pakistan iyo Talyaaniga.
Haseyeeshee mas'uuliyiinta hay'adaha caafimaadka adduunka ayaa diiddan xannibaadaasi.
Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tallaabada noocaasi ah ay caqabad ku noqon karto xogta ay wadaagaan dalalka, gaarsiinta dawooyinka iyo weliba kobaca dhaqaalaha.
Hay'adda WHO ayaa taa badelkeeda ku talinaysa in dadka lagu baaro xuduudaha. Waxa ay ka digtay in xannibaada ay dardar gelin karto faafidda xanuunka maadaama ay dadka socotada ah dalalkaasi ku geli karaan si aan rasmi ahayn.
Shiinaha ayaa sidaas oo kale dhaliilay xannibaada la saaray dadka dalkiisa ka safra, waxaana uu waddamada shisheeye ku eedeeyay inay iska indha tirayaan talooyinka mas'uuliyiinta caafimaadka.
Tirada rasmiga ah ee dadka u dhintay xanuunkan cusub ayaa hadda ah 304 qof.
Dhammaan dadkaasi ayaa ku geeriyooday gudaha Shiinaha, waxaana intooda badan 00 ah 294 qof ay ku dhinteen gobolka Hubei oo ah halka uu ka bilowday caabuqa.
Tiradda dadka hadda la ildaran xanuunka ayaa gaartay 14,380 qof sida ay warbaahinta Qaranka ee Shiinaha ka soo xigatay Guddiga Qaran ee caafimaadka.
Ku dhawaad 100 kiis oo kale ayaa lagu arkay meelo ka baxsan Shiinaha sida UK, Maraykanka, Ruushka iyo Jarmalka.
Carruurta ay dhaleen dadka sigaarka caba oo halis ugu jira cudurro
Carruurta ay dhaleen dadka sigaarka caba oo halis ugu jira cudurro
- La wadaag Qodobkaan Asxbtaada Facebook
- La wadaag qodobkan WhatsApppi
- La Wadaag Qodobkan Asxbtada Messenger
- La wadaag
Dadka waaweyn ee aan sigaarka cabin ayaa ku jira khatar dhimasho oo ka sarreysa sida caadiga ah haddii ay yaraantoodi ku soo ag koreen waalidkood oo sigaarka caba, sida lagu qeexay daraasad laga sameeyay Mareykanka.
Aqoonyahannada sameeyay cilmi baaristan ayaa sheegay in carruurta ay waalidiintood sigaarka ku cabaan agtooda ay inta badan marka ay weynaadaan la kulmaan cudurro uu jirkooda kula soo qabsado yaraanta, kuwaasoo uu sabab u yahay qiiqa sigaarka ee ay neef ahaanta u qaataan.
Cudurradaas ayaa ah kuwo waxyeello baahsan gaarsiiya sambabada carruurta maadaama ay aad daciif u yihiin waqtiga ay ilmaha da'dooda yar tahay.
Saameynta uu qiiqa ku yeesho sambabada ayaa ugu dambeyn isku baddasha xanuunka Cancer-ka oo aan la daaweyn karin.
Waxaa sidoo kale ka abuurma xanuunno dhanka wadnaha ah oo mararka qaar horseeda dhimasho deg deg ah.
Cudurradaas ayaan sida caadiga ah ku dhicin carruurta haddii aysan khatarta noocaas ah la kulmin xilliga ay korayaan, sida lagu xusay daraasadda.
Khubarada ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee carruurta looga ilaalin karo khatartaas ay tahay in waalidiinta ay iska joojiyaan sigaar cabista.
- Sigaarka oo waxyeeleeya maskaxda
- Australia oo lagu taageeray xardhid la'aanta sigaarka
- Sigaarka iyo cudurada sambabada
'In la fogeeyo sigaarka'
Hazel Cheeseman, oo u ololeysa arrimaha caafimaadka dhallaanka ayaa sheegtay in daraasaddaan ugu dambeysay ay sii kordhineyso walaaca ku aadan halista ka dhalata sigaar cabista.
"Cilmi baaristani waxa ay nagu sii dhiirri galineysaa inaan sii xoojinno ololaha ku aaddan in sigaarka lagu cabo bannaanka si carruurta loo ilaaliyo" ayey tiri.
Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas ku dartay "Habka ugu wanaagsan ee carruurta lagu difaaci karo waa in waalidiinta ay iska joojiyaan sigaar cabista".
Halis cimri daa'in ah
Carruurta ay waalidiintood sigaarka cabaan ayaa lagu yaqaannaa in uu ku dhaco cudurka neefta, iyo in ay sambabadooda ay si fiican u shaqeyn waayaan.
Daraasaddaan ayaa muujineysa in saameynta carruurta ka soo gaarta qiiqa sigaarka ay noqoto mid waligood la socota xitaa marka ay dad waaweyn noqdaan.
Cilmi baareyaasha ayaa daraasaddooda ku ogaaday in carruurta oo sigaarka lagu ag cabo ay kordhineyso labo arrimood oo kala ah tirada dhimashada iyo cudurrada ku dhaca sambabada.
Dr Ryan Diver oo ka mid ah dadka qoray warbixintaas ayaa sheegay in daraasaddaan ay tahay tii ugu horreysay ee lagu ogaado halista ballaaran ee ay carruurta kala kulmaan qiiqa sigaarka agtooda lagu cabo.
16 gabdhood oo wada shaqeeya oo isku mar wada uuraystay
In uur la yeesho mararka qaar waxay noqon kartaa wax iska sahlan marka la eego isbitaal ku yaalla magaalada Mesa ee Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka, halkaasoo ay mar qur ah wada uuraysteen 16 kalkaaliyeyaal oo uur leh.
Tiradaas ayaa ah 10% ka mid ah guud ahaan kalkaaliyeyaal ka howlgala qeybta lagula tacaalo bukaanada u baahan adeegyada gurmadka degdega ah ee caafimaadka.
Bukaannada ayaa billaabay in ay gartaan arrintaas, sida ay sheegeen qaar ka mid ah kalkaalisooyinka.
Mar ay shir jaraa'id oo arrintaan ku saabsan qabanayeen ayay haweenka kalkaaliyeyaasha ah ku kaftameen in malaha biyaha ay wax ku jiraan, ama uu jiray qorshe la isla ogyahay oo loogu sii diyaar garoobayay fasax wada jir ah oo loo aado ciidda masiixiyiinta.
Haweeneyda ugu horreysa ee dumarkaas xaamilada ah ayaa la filayaa in ay umusho bisha September halka tan ugu dambeysana la filayo in ay cunugeeda dhasho bisha January.
Rochelle Sherman oo ay hal bil oo kaliya uga harsan tahay in ay umusho ayaa tiri: "Uma maleynayo inaan is ogeyn inaan dhammaanteen uur wada leenahay ilaa inta aan ka sameysannay qol facebook ah.
Jolene Garrow ayaa iyadana uga mahad celisay shaqaalaha kale sida ay ugu caawiyaan howlaha aysan haweeney xaamilo ah sameyn karin - sida la tacaalidda cudurrada la is qaadsiiyo oo ay ka mid yihiin qaaxada iyo cudurrada ku dhaca maqaarka, ama in daawooyinka qaar la siiyo bukaannada qaba cudurka Kansarka.
Shaqaalaha ayaa toddobaadka soo socda si wada jir ah xaflad farxadeed ugu qaban doona dhammaan haweenka kalkaalisooyinka ah ee uurka leh, ka hor inta aysan u bixin fasaxooda dhalmada ee 12-ka toddobaad ah.
'Afartii qof ee aan jimicsi samayn mid ayaa khatar ku jira' WHO
Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la'aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka.
War bixin ay soo saartay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida - oo ah tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aysan samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.
Qiyaastan ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka caalamka afartii qofba mid ka mid ah uu ku jiro halis dhimasho.
Dhaqdhaqaaq la'aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka cancer-ka.
- Sidee ugu habboon oo qof sooman u samayn karaa jirdhis iyo jimicsi?
- Lixdan jirka jirdhiska ku caafimaaday
Dalalka uu soo galo dhaqaalaha badan oo uu ka mid yahay Ingiriiska ayey dadkooda yihiin kuwa ugu badan ee aan dhaqdhaqaaqa samaynin.
Sidoo kale haweenka caalamka oo idil ayaa loo aqoonsaday iney yihiin kuwo ka jimicsi yar raga.
Walaac aad u weyn
Cilmi baareyaasha hay'adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa macluumaadkan ku saleeyay xog laga uruuriyay ilaa 168 waddan oo dadkooda ay si shakhsi ahaan ah uga warramayeen xaaladahooda.
Khubarada ayaa ogaaday in waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo, sida ingiriiska iyo Mareykanka, ay shacabkoodu khatarta ugu badan ugu jiraan saameynta ba'an ee ka dhalata dhaqdhaqaaq la'aanta.
Waddamada kale ee safka hore uga jira liiska jimicsi la'aanta waxaa ka mid ah Jarmalka iyo New Zealand.
WHO ayaa sheegtay in jimicsi la'aanta ay hadda noqotay dilaaga cusub ee bani'aadanka, maadaama ay dad fara badan ka dhaxleen cudurro aan la daaweyn Karin.
Waxa ay sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelatay wakhtiga uu qofku noolaan karo, waxaana la sheegayaa in ay keeneyso cimri deg deg aad u u heer sarreeya.
Haweenka ayaa si guud uga dhaqdhaqaaq yar ragga marka la eego dhammaan dalalka laga sameeyay daraasaddan.
Hase ahaatee dalalka ku yaalla Bariga iyo Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya ayaa si weyn uga duwan, dhanka dhaqdhaqaaqana uga fiican waddamada kale ee ku yaalla Koonfurta Aasiya, Bartamaha Aasiya, Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa.
Dr Regina Guthold, oo hogaamineysay daraasadda WHO ayaa tiri "Marka laga soo tago khataraha caafimaad ee kale ee adduunka ka jira, wali wax hoos u dhac ah lagama arko dhibaatooyinka ka dhasha dhaqdhaqaaq la'aanta"
"Gobollada uu ku sii kordhayo xaddiga jimicsi la'aanta jirka ayaa nagu abuuraya walaac weyn oo ku aaddan iney soo food saaraan cudurro aan daawo lahayn."
Dr Fiona Bull, oo iyadana ka mid ah khubarada daraasaddan qortay ayaa sheegtay in caqabado badan lagala kulmayo sidii meesha looga saari lahaa farqiga jimicsi ee u dhaxeeya raga iyo dumarka.
Dr Cali Macow Aweys oo BBC-da ay arrintaan ka wareysatay ayaa sheegay in cudurro fara badan oo halis ah ay ka abuurmaan jimicsi la'aanta.
"looma baahna in ay dadka iska fadhiyaan mar kasta waana in ay cunaan raashin nafaqo leh" ayuu yiri Dr Aweys.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Dhaqdhaqaaq la'aanta waxay sababtaa in aysan murqaha qofka shaqeynin ka dibna waxaa meesha soo gala cudurro halis ah oo ku dhaca kalyaha, beerka, wadna waxaana xitaa ka dhalan kara cudurka Kansarka".
Dr Macow ayaa intaas ku daray in cudurka Sokorowga uu ka dhasho dhaqdhaqaaq la'aanta, balse dadku aysan intooda badan fahansaneyn.
Talooyin jimicsi oo loogu tala galay dadka ay da'dooda u dhaxeyso 19-64 sano.
- Isbuucii samee ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi fudud ah ama 75 daqiiqo oo jimicsi culus ah.
- samee jimicsiyo xoog leh oo qaata labo maalmood ama ka badan isbuucii, kuwaasoo kala furfuraya murqaha.
- Iska jooji fadhiga badan, baddalkiisana gali dhaqdhaqaaqyo sahlan.
Waa maxay Jimicsi fudud?
- Socodka oo la boobsiiyo.
- Dabaasha.
- In baaskiil lagu kaxeeyo dhul siman iyo dhul xoogaa kor u kacsan.
- Ciyaarta tennis-ka.
- Buur fuulitaanka.
- Kubadda kolayga.
- Iyo noocyada kale ee ciyaaraha fudud.
Maxaa ka mid ah jimicsiyada culus?
- Rucleynta ama orodka.
- Dabaasha deg degga ah.
- In baaskiil loo kexeeyo si xawaare dheer ama in dalcad la saaro.
- Tennis-ka halka ruux.
- Kubadda cagta.
- Kubadda Rugby-ga.
- Iyo noocyada kale ee ciyaaraha adag.
Dalalka ay dhaqdhaqaaq la'aanta heerka ugu sarreeya ka joogto ayaa kala ah:
- Kuwait 67%
- Sacuudiga 53%
- Ciraaq 52%
Dalalka ugu hooseeya ee dhaqdhaqaaqooda uusan heer xun joogin waxaa ka mid ah:
- Uganda and Mozambique 6%
Khubarada ayaa dowladaha dalalkaas ku boorriyay iney dadaallo u sameeyaan sidii halistaas wax looga qaban lahaa.
Dr Melody Ding oo ka tirsan jaamacadda Sydney, oo isagu aan daraasaddan ka qeyb qaadannin ayaa sheegay in diiradda la saaray sare u qaadista dhaqaalaha, ayna taasi baddashay hannaanka nolosha.
Dr Mike Brannan oo hogaamiya hay'adaha u dhaqdhaqaaqa jimicsiga dadweynaha ee dalka Ingiriiska ayaa isagana ka dhawaajiyay in natiijada laga soo saaray daraasaddan ay muujineyso sida loogu jiro khatarta.